Allbanaadir.com
NEWS

Musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland oo la diwaangeliyay

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha maamulka Jubbaland , ayaa goordhaw diiwaangeliyay musharaxii ugu horreeyay oo u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo doorashadiisa dhaceyso maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 25-ka November.

Musharax Madaxweyne Dr Cabdi Xassan Xajiin, ayaa saakay buuxiyay shuruudihii looga baahnaa xubnaha isku soo taagaya xilka Madaxweynaha, waxaana musharaxan la siiyay shahaado caddeeneysa in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta  is diiwaangaliyaan musharaxiin kale oo u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kuwaa oo doonaya in tartan la galaan Madaxweyne aan dhicin ee maamulkaasi Axmed Madoobe oo mar kale sharaxan.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee lagu dooranayao Madaxweynaha cusub ee Jubbaland, ayaa ah mid hadda lasii ogyahay natiijadeeda, waxaana doorashada kusoo baxaya Axmed Madoobe, halka musharaxiinta la tartameysa yihiin malxiis oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano go’aan adag ka soo saaray dhismaha Golaha Deegaanka Hirshabelle (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo fariin u diray masuuliyiinta maamulka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay arrimaha shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---