Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda, Siyaasiyiin iyo Dadweyne Soomaaliyeed, kulan loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tiiraanyada geerida Marxuumku ay mideysay quluubta Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo markale tacsi la wadaagay Qoyska Marxuumka, bulshada ree Somaliland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Madaxweyne hore Siilaanyo uu ahaa nabaddoon wax badan soo qabtay, waxa uuna xusay in geeridiisa ay noqotay mid si weyn uga naxeen Soomaaliweyn , waxa uuna ilaah uga baryay in jannadii fardow ka waraabiyo.
Masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka tacsida iyo ducada ee loo sameeyay Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, waxa ayna dhammaan dadkii ka qeyb galay tacsida ilaah uga baryeen Siilaanyo in jannadii Fardowso ka waraabiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com