Allbanaadir.com
NEWS

Wax ka ogow qaar ka mid ah madaxdii ay hore waaranka ugu jartay ICC

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa “wax lala yaabo ku tilmaamay” waarannada ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada u jartay rag uu ka mid yahay Benjamin Netanyahu.

Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale waaran u jartay wasiirkii difaaca ee uu shaqada ka cayriyay Benjamin Netanyahu ee Yoav Gallant, iyo taliyaha Xamaas, Maxamed Deif, oo Israa’iil ays heegtay in la dilay bishii July.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in ay jiraan “sababo macquul ah” saddexda nin ayaa leh “mas’uuliyadda dambiyada” eedeymaha dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas. Israa’iil iyo Xamaas labaduba way diideen eedeymaha.

Yurub iyo Mareykanka ayaa ku kala qeybsamay falcelintooda waaranka, iyadoo dhowr dal oo Yurub ah ay sheegeen inay xushmeynayaan go’aannada ICC. Dowladda Britain ayaa sheegtay inay xushmeysay madax-bannaanida maxkamadda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa cambaareeyay isagoo ku tilmaamay “naceyb”.

Waxa uu sheegay in ICC ay “been abuur” ku eedeysay ” iyo in ay si ula kac ah u beegsadaan dadka rayidka ah, tani marka aan sameyno wax kasta oo karaankeenna ah si aan uga fogaanno waxyeello soo gaarta rayidka”.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay go’aanka ICC oo uu ku tilmaamay “Naceyb-diid”, halka Xamaas ay sheegtay in waaranka Netanyahu iyo Gallant ay dhigeen “tusaal taariikhi ah oo muhiim ah”.

Saamaynta waarannadan waxay qayb ahaan ku xirnaan doonnaan124-ka waddan ee xubnaha ka ah ICC – oo aysan ku jirin Israa’iil ama xulafadeeda ugu weyn oo ah Mareykanka – kuwaasoo go’aansan kara inay dhaqan galiyaan iyo in kale.

Waa kuwama madaxdii ay hore ICC waaranka ugu jartay?

Benjamin Netanyahu ayaa noqday hoggaamiyihii afaraad ee caalamka ee ay waaran soo qabasho u soo jarto maxkamadda dambiyada caalamiga isagoo loo haysto dambiyo ka dhana bini’aadantinimada.

Waxaa safka ugu horreeyey Vladimir Putin-ka Ruushka, Cumar Al-Bashiirkii Suudaan, iyo Mucamar Al-Qadaafigii Liibiya.

Waaranka ayaa la xiriira ficillada milatari ee Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta laga soo bilaabo maalintii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar wixii ka dambeeyay. Waxaa ka mid ah eedeymaha ah in dadka rayidka ah ay gaajoonayaan qaab dagaal, dil, si ula kac ah, weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah, iyo baabi’inta.

Talaabadan ay qaadday maxkamada ICC, ayaa si weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan Israa’iil, iyadoo Netanyahu si weyn loogu tixgeliyo inuu yahay shaqsi aad u kala qeybsan, iyadoo xitaa cadawgiisa siyaasadeed ay ku tilmaameen mid aan laga fiirsan.

Waxay ku soo beegantay waqti muhiim ah Netanyahu – Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa ee Israa’iil – oo ku dhex jira dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Qasa iyo Xisbullah ee Lubnaan, iyo colaad hor leh oo uu la leeyahay cadowga Israa’iil ee Iran.

Dagaallada ayaa dhanka kale waxa ay ka soo horjeedaan dacwad-ciqaabeed oo ka dhacday gudaha Israa’iil Netanyahu oo looga shakiyay laaluush iyo musuqmaasuq – eedaymo uu si adag u diiday.

Seddexda nin ee kale haddaan midmid u eegno, 14 Luulyo 2008, dacwad oogihii maxkamadda caalamiga ee dambiyada ICC, Luis Moreno Ocampo ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee Sudan Cumar AL Bashiir eedeymo shaqsi ah oo ay ka mid ahaayeen isir-sifeyn, dambiyo ka dhan ah bani’aadminimada, iyo dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Darfur 2003.

4 Maarso 2009 ayaa la soo saaray ruqsadda xarigga Al Bashir, waxaana la qabtay dhegeysi hordhac ah oo 3 xaakim ay u fariisteen, waxaana la dhegeysayey 5 dacwadood oo isugu jiray dil, baabi’inkhasab ku bara kicin, jirdil iyo kufsi.

Sudan qayb kama ahayn heshiiskii Rome Statue ee lagu dhisay maxkamadda ICC, waxayna sheegeen in aysan waajib ku ahayn inay amarka u hogaansamaan.

Al Bashiir wuxuu xilligaas ahaa mas’uulkii ugu horreeyey ee dal hogaamiya ee maxkamada ICC ay dacwad ku soo oogto.

Madaxda kale waxaa ka mid ah Vladimir Putin, madaxweynaha Ruushka. 17 Maarso 2023, ka dib baaritaan la xiiira dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadminimada, iyo xasuuq ayaa maxkamadda ICC waxay soo saartay ruqdas lagu soo qabanayo Putin.

Waxaa kale oo isla ruqsadaas kula jirta Maria Lvova-Belova oo ah sarkaalka Ruushka u qaabilsan xuquuqda caruurta, waxaana labadooda lagu eedeeyey inay mas’uul ka ahaayeendambiyo dagaal oo salka ku haya caruur si sharci darro ah loo musaafuriyey markii uu billowga ahaa dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Ruqsadda qabashada Putin ayaa nqonaysa tii ugu horreysay ee laga soo saaro hogaamiye madax u ah mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee golaha amaanaka ee Qaramada Midoobay.

Ila aiyo bishii Juun 2024, ICC waxay soo saartay ruqsado kale oo lagu soo qabanayo Victor Sokolov, Sergei Kobylash, Sergei Shoigu iyo Valery Gerasimov, kuwaasoo dhamaantood ah saraakiil ka tirsan milateriga Ruushka oo lagu eedeeyey weerarro toos loogu qaaday dad rayid ah.

Madaxweynihii hore e Libya Mucamar Qadaafi ayaa isna qayb ka ahaa madaxda ayagoo xilka haya ruqsado xarig ah laga soo saaray.

27 Juun 2011 ayey maxkamadda ICC soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo Qadaafi, wiilkiisa Sayful-Islaam, iyo seedigiis Cabdalla Senussi oo sidoo kalena ahaa madaxa sirdoonka ee Libya.

Waxaa seddexdoodaba lagu soo eedeeyey dilal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadminimada. Kiiska Qadaafi waxaa la xiray in yar geeridiisa ka dib.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Wang Yu iyo wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiro & Xildhibaano ka hadlay dagaaladii B/Weyne iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Xildhibanadii gaaray Kismaayo oo jawi dalxiis galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---