Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Sheekh oo si kulul u weeraray hab dhaqanka dowlada Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga soo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha.

Xasan Shiikh oo hadalkan ka jeediyey magaalada Kismaayo ayaa intaas ku daray in aysan dhici karin in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku midoobaan arrimaha Siyaasada xilli buu yiri Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay xiligan ka wada hadli karaan labada dal ay yihiin oo kaliya arrimaha iskaashiga amaanka iyo dhaqaalaha iyo ganacsiga.

“Xilligan siyaasad ay ka mideysan yihiin labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ma jiri karto maxaa yeelay weli sal adag ma lihin, waxaa hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Kobcinta dhaqaallaha ayuu sheegay Xasan Sheekh in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka been sheegtay, isla markaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday Sanadkii 2013-kii wixii xilligaasi ka dambeeyayna sanadba sanadka ka dambeeya uu sare u sii kacayey.

“Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, waxaa loo baahan yahay in  dadka Soomaaliyeed  runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee soo bilowday sanadkii 2013-kii” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa bilaabay inuu dhaleeceeyo habka dhaqanka dowlada ay horkacayaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre, isagoo dhinaca xaqiraya waxqabadkooda mudada labada sano ku dhow ee ay xilka hayaan.

Related posts

Janaraal Soomaaliya Caan ka ahaa oo ku dhintay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Afrik

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Khadiijo: “Jaamacadaha ayaa dirsaday Nasro, Xiriirka Orodada wax lug ah kuma lihin”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---