Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo ka fal celiyey amarka lagu soo xirayo Netanyahu

Mareykanka ayaa ka falceliyay amarka ka soo baxay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee lagu soo xirayo, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo loo heysto eedeymo la xirriira dembiyo dagaal oo uu ka geystay Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay wax aan macquul gal ahayn, isago sheegay in Israa’iil, oo ah xulafada Mareykanka lala barbar dhigay Xamaas.

Balse mas’uuliyiinta ka tirsan Midowga Yurub, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Holland, ayaa dhamaantood soo saaray bayaan ay ku taageerayaan go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC.

Maadaama ay saxiixeen xubinnimada maxkamadda, waxay haatan awood u leeyihiin inay xiraan Benjamin Netanyahu, hadii uu booqdo dalalkooda.

Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland, ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa’iil, Yoav Gallant, iyo taliyaha militariga Xamas, Maxamed Al-Dheyf oo Israa’iil ay sheegtay in lagu dilay, duqeyn bishii July ka dhacday magaalada Qasa i nkastoo ay beenisay Xamaas

Raggan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa labaduba iska fogeeyay eedahan, ha yeeshee Xamaas ayaa dhankeeda soo dhaweysay waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in ay ka dhigan tahay taariikh muhiim ah.

Related posts

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo qabtay rag ka tirsan Al shabaab oo dilay askari

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la dilay labo kamid ah Madaxda sare ee Al Shabaab

Cabdi Cade

Yariisow oo isaga oo Ilaalo badan wata booqasho ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---