Allbanaadir.com
NEWS

Rag hubeysan oo laayey ku dhowaad 50 qof oo safar ah (Sawirro)

Ku dhowaad 50 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen 200 oo qof, kaasoo marayay meel ka baxsan magaalooyinka dalka Pakistan.

Gawaarida ayaa la weeraray xilli ay isaga kala gooshayeen degmada ay ka dhacaan dagaallada qabaa’ilka ee Kurram ee dalka Pakistan, oo u dhow xadka Afghanistan, sida uu sheegay ku xigeenka taliyaha booliiska.

Ragga hubeysan ayaa markii hore beegsaday kolonyada ay booliisku galbinayeen. Booliiska ayaa difaacayay kolonyada kadib bilooyin ay dagaallo ka socdeen degmada ayna dad badan ku dhinteen.

Booliiska ayaa sheegay in ilaa 41 qof lagu dilay weerarkan iyadoo 16 kalena uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Nadeem Aslam Chaudhry, oo ah madaxa gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka uu ahaa mid weyn isla markaana laga yaabo in tirada dhimashada ay intaa ka badato.

Rakaabka qaar oo iyaga iyo carruurtooda kuraasta gawaarida hoos galay ayaa BBC-da u sheegay inay ka baqayeen in la dilo.

Faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa weli isa soo tareysa, balse Javed Mullah Mehsud, oo ka tirsan maamulka degmada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ilaa 10 nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarkan.

Inta badan rakaabka ku safrayay deegaanka buuralleyda ah ayaa ahaa Shiico.

Qabaa’illada kala taabacsan Sunniga iyo shiicada ayaa sanadkan dhexdiisa ay isku dhacyo badan dhex mareen. Colaad hore oo ka dhex taagneyd ayaa waxaa soo afjaray guddi qabaa’il oo ku baaqya xabbad-joojin. balse bishii la soo dhacay ayaa weerar kale lala beegsaday gawaari marayay deegaan gobolka ka tirsan waxaana ku dhintay 15 qof.

Kurram oo ku taalla waqooyi-galbeed Pakistan, ayaa waxay xad la leedahay gobollo badan oo Afghanistan ka tirsan kuwaas oo hoy u ah kooxaha kasoo horjeeda shiicada, oo ay ku jiraan kooxda isku magacowday dowladda islaamka iyo Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP).

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo Inkiray in uu u gefay Xaaska Amiir Harry

Cabdi Cade

Abuukar Cabdi Geelle oo shaaciyey inuu xilka iska casilay, kana hadlay Sababta

Caydiid Ali

Tirinta codadka oo socota iyo Xassan Shiikh oo illaa hadda ku horeeya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---