Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo xajiiyey in Ruushku uu markii u horeysay adeegsaday..

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay in markii ugu horeysay uu Ruushka adeegsaday gantaal ballistic ah ee riddada dhexe oo cusub, kaasoo qaatay magaca Oreshnik

Gantaalkan ayaa ku socon kara xawaaraha Mach 10 oo la macno ah 3km inuu jari gaari karo ilbiriqsigiiba, waxaana lagu xiray nidaamka hypersonic-ga, si la mid ah wuxuu awooddaa in lagu xiro madaxyo nukliyeer ah

Waxaa lagu garaacay saldhig lagu horumariyo gantaallada oo ku yaalla magaalada Dnipro ee bariga dalka Ukraine.

Putin, wuxuu ku ammaanay gantaalkan inaysan celin karin nidaamyada difaaca Mareykanka iyo Yurub, isagoo ku sheegay adeegsigiisa inuu jawaab u yahay weerarrada ay Ukraine u adeegsatay gantaallada riddada dheer ee reer galbeedka.

“Gantaallada reer galbeedka ayaa duqeeyey xarumaha Ruushka ee Bryansk iyo Kurs, taasi waa sababta Ruushku xaq ugu leeyahay inuu hubkiisa u isticmaalo xarumaha militariga ee dalalkaas kaddib weeraradii gantaalada riddada dheer ee Ukraine ay qaadday, colaadda gobolka waxa ay yeelatay weji caalami ah haddii ay dhacdo koror, Ruushku wuxuu ku jawaabi doonaa si adag.” ayuu yiri Putin.

 

Related posts

Dad badan oo ku dhintay Goob ay ka socotay Bandhig Faneed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xisbiga Sahan oo ka digay Mudo kororsi abuuri kara Khalalaase Siyaasadeed iyo mid amni

Cabdi Cade

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---