Qarax ismiidaamin ah ayaa xalay lala beegsaday goob culumaa’udiin dalka Afqaanistaan ay ku qabanayeen xuska mowliidka waxaana ku dhintay ugu yaraan 43 qof.
Qaraxa oo ka dhacay magaalada Kabul ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad boqol kale.
Kulanka culumadan ayaa ka dhacayay goob lagu magacaabo Uranus wedding hall, waxayna ku guda jireen xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee.
Qaraxan ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca mudooyinkan dambe, iyadoo ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi aysan jirin
Culimada Islaamka waxay aqrinayeen quraanka iyagoo u dabaaldagayay dhalashada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee” ayuu yiri Afhayeen u hadlay booliiska Kabul oo lagu magacaabo Basir Mujahid
Qofka ismiidaamiyay ayaa ka soo galay albaabka hore ee xarunta halkaasoo uu ka dibna isku qarxiyey.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday dhar dhiig badan uu ka muuqdo iyo quraarado jajabay.
Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay falkan waxaana uu ku tilmaamay weerar argagixiso oo bahalnimo ah, isagoo ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalin baroordiiq islamarkana calanka dalka hoos loo dhigayo.
Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan kun qof ay ku jirtay goobta lagu qabanayey xuska Mowliidka, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada saacadba saacada ka dambeysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com