Lataliyaha gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune waxaa kaloo ay iskula soo qaadeen xubinnimada guddiga aan jogtada aheyn ee Golaha Ammaaka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya iyo Algeria qeyb ka yihiin.
Dowlada Japan ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu deeqday qalab casri ah oo loogu talo galay miino baarista
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan agab ay ugu deeqday Ciidanka Booliiska gaar ahaan qeybta Miino Baarista, qalabkaas oo ka hortaggaya walxaha qarxa ee dhibaatada ku haya shacabkeenna.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista awoodda ka hortagga walxaha qarxa, iyadoo qeybtaan ay tababaraan Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee (UNMAS)
Dowlada Japan ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera ciidamada Booliska Somalia gaar ahaan dhinacyada gaadiidka tababarada iyo qalabka.