Warbaahinta reer galbeedka ayaa tabisey in Israel ay sahamin ku sameynayso saldhig milatari oo dooneyso iney Somaliland ka sameysato.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta oo saldhig milatari ku leh Somaliland labada dhinacna xiriir wanaagsan la leh uu dhexdhexaadin ka dhex wado.
Warbixintu waxay intaasi raacisey in Israel ay Somaliland saldhigaasi milatari uga badalanayso aqoonsi rasmi ah oo ay siineyso.
Dhawaan ayey ahayd markii Warbixin ay daabacday majalada Middle East Monitor lagu sheegay in Israel ay xiiseynayso iney Somaliland ka hesho Saldhig Milatari kagana badalato aqoonsi iyo iney la yeelato xiriir dublomaasiyadeed.
Israel waxay dooneysaa saldhig ay kala dagaalanto Xuutiyiinta Isla markaana ay ku ilaaliso maraakiibteeda ganacsi ee maraya gacanta baabul mandab oo ah marin muhiim u ah ganacsiga Adduunka sida majaladu qortay.
Somaliland oo 34 sano ka hor shaacisay iney tahay dal ka madax banaan Soomaaliya ayaan weli caalamka ka helin aqoonsi caalami ah oo ay si weyn u baadi goobeyso, lamana oga iney saldhig milateri siineyso israel si ay ugu bedelato aqoonsi.
Somaliland iyo Itoobiya ayaan weli fulinin heshiis muran badda dhaliyey oo la isku dhaafsanayo dhul xeebeed iyo aqoonsi ka dib markii ay ka soo horjeesatay dowlada Somalia oo heshiiskaas u aragta mid ka dhan ah midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee dalka.