Allbanaadir.com
NEWS

Sakariye Asad Faarax oo xukun dil ah lagu fuliyey (Sawirro)

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa dil toogasho ah ku fulisay Sakariye Asad Faarax oo Dhowaan fal dil ah ka geystay degaan hoos taga degmada Guriceel.

Ninkan ayaa lagu helay inuu horay u dilay si bareer ah Cabdullaahi Khaliif Faarax, kaasoo ka dhacay dabayaaqadii sanadkii hore 2023 degaanka Hodale.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Galmudug Cabdixakiin Maxamed Xirsi oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha toogashada ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha ay dil ku xukumeen Maxkamadaha gobolka iyo mida racfaanka.

Waxaa uu sheegay in dilkan uu yahay mid qisaas ah oo shareecada Islaamka la waafajiyey laguna fuliyey fagaare ku yaalla degmada Guriceel wuxuuna xusay in qof kasta oo dila qof kale la toogan doono si waafaqsan shareecada Islaamka.

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Britain?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey shacabka Itoobiya & Eritrea

Caydiid Ali

Al-Shabaab lagu laayey Ceel ay biyo ka dhaansanayeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---