Gantaalkii ugu horreeyey ee ay Russia dirto oo ah midka qaaradaha iskaga kala goosha (ICBM) ayaa lagu weeraray Ukraine.
Gantaallada noocan ah waxaa lagu rakibaa madaxyada Nuclear-ka ah iyo mar lagu rakibo kuwo caadi ah. Waxaa laga riday gobolka Astrakhan oo Russian Federation ka tirsan saaka oo khamiis ah.
Waa markii ugu horraysay oo Gantaallada noocan ah la isticmaalo waligeed. Waxaa la Bar-tilmaameedsaday xarumo ganacsi, iyo dhismayaal muhiim ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Dnipro oo Ukraine ah. 33 bilood oo uu socdo dagaalka Ukraine, waa markii ugu horraysay ee la isticmaalo.
Faahfaahinta khasaaraha gantaalku gaystay, ayaa laga sugayaa Ukraine inay sheegto. Gantaallada noocan ah, waxay jari karaan kumannaan kilometer, waxayna gaari karaan dalalka Yurub iyo Mareykanka.