Allbanaadir.com
NEWS

Finland oo dhaqaalihii ay siin jirtay DFS joojisay kaddib markii laga diiday in ay soo …

Dowladda Finland oo kamid ah dowladaha reer Galbeedka ee taageerada dhaqaale siiya dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay joojisay taageerrada dhaqaale ee ay ku bixin jirtay mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta dowladda Finland, Ville Tavio, ayaa sheegay in aysan jiri doonin taageero dambe oo dhaqaale ay ku taageeraan Soomaaliya, isagoona xusay in tallaabadaasi u qaadeen sababao la xariira in dowladda Soomaaliya diiday in in lasoo tarxiilo Soomaali kunool Finland.

Waxa uu sheegay Wasiirka Ganacsiga Finland in dhaqaalihii ay siin jireen Soomaaliya la hakiyay ilaa dowladda Federaalka ay ka oggolaato in la soo tarxiili karo Soomaalida aan sharciyada heysan ee ku nool dalka Finland.

Dalka Finland waxaa kunool Soomaali badan oo dalkaasi qaxooti ahaan isaga dhiibay, kuwaa oo qaarkood loo diiday in la siiyo magangalyo , waxa ayna dowladda Finland dooneysaa in dalkeeda ka tarxiisho Soomaalida aan sharciga laheyn , taa oo u baahan in dowladda Soomaaliya ay oggolaato.

Waddamo dhowr ah oo kuyaalla Qaarada Yurub, ayaa hadda doonaya in Soomaaliya dib ugu soo celiyaan qaxooti badan oo dalalkaasi sifo sharcidarro ah ku galay , iyagoona ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya in ay oggolaato in dadkaasi lasoo celiyo ama ay ka jaranayaan lacagaha taageerada ah ay siiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ku guuleestay in la daweeyo dhamaan dadkii uu ku dhacay Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Musharax Khayre Muxuu ku tilmaamay kaalinta haweenka Soomaaliyeed?

admin

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka xigaa in aan Dib kusoo Jeclaado (Qeybta 5-aad)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---