Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Kulanka Golaha Wasiiradda Soomaaliya yeesheen maanta loogamaha hadlin xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Golaha Wasiiradda Soomaaliiya agaasimahan guud ee maanta ansixiyeen ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay booskiisa bannaanaa, kaddib markii agaasimhii hay’addaasi ku baxay khilaaf ka dhax jiray masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta dhaxdeeda.

Related posts

Faransiiska oo Qeylo dhaan kasoo saaray farogelin ay sheegeen in Turkiga ku hayo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Guddiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weydiiyey Wasiirada & Saraakiisha amniga

Caydiid Ali

Afduub ka dhacay Muqdisho iyo qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---