Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubaland Mudane Sheekh Abdi Yuusuf Cali.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee Doorashooyinka Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa guddoomiyaja KMG ee golaha Wakiillada Jubbaland ka codsaday isaga iyo guddiga kala shaqeenaya doorashada in ay si caddalad ah u gutaan waajibaadka la saaran.
Kismaayo ayaa la filayaa in ay maanta ka dhacaan doorashooyinka guddoonka golaha Wakiillada Jubbaland, waxaa  sidoo kale  25 ka bishan dhaceysa doorashada Madaxweynaha Jubbaland, natiijada doorashada ayaana ah mid lasii ogyahay cidda kusoo baxeysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com