Allbanaadir.com
NEWS

Dalal Yurub katirsan oo ka cabsanaya weerar nukliyeer iyo dadka oo la barayo…

Dawladda Sweden ayaa billowday in muwaadiniinta u sheegto surtagalnimada inay dhici karaan weerarro nukliyeerka oo ka yimaada dhinaca dowladda Ruushka oo ka careysan adeegsiga Ukraine gantaalada riddada dheer ee la siiyay.

In ka badan shan milyan oo buuggag hagayaal ah loo diri doono muwaadiniinta, waxaana ku qoran inay kaydiyaan cuntada, biyaha iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah , si la mid ah buugga hagaha ah ayaa siinaya tilmaamaha waxa ay u arkaan inay ku badbaadi karaan haddii weerarro nukliyeer ah uu dhaco ama la galo dagaalka saddexaad ee adduunka.

Sidoo kale, Denmark ayaa la filayaa inay billaabi doono qorshe dadka lagu barayo inay la qabsadaan xaaladaha dagaalka oo ay ku jiraan in maalmo korontada, biyaha iyo Internetka la jari doono, si haddii uu la galo dagaal weyne ay ula qabsadaan xaaladaha deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee reer galbeedka iyo Ruushka ayaa hadda gashay waji cusub, taa oo ku beertay waddamada Yurub inay la kulmi karaan dagaal weyne dhalin kara dagaalka saddexaad ee adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Caan ah oo ku baaqay in Wadamada Islaamka sameestaan ciidamo u gaar ah

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la sheegay in lacago laaluush ah siiso booliiska Kenya si ay …

Cabdi Cade

Dad Muslimiin ah oo lagu dilay dalka Itoobiya iyo Sababta dilkooda keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade