Danjirayaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Jarmalka, Midowga Yurub, sii-hayaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, urur-goboleedka IGAD iyo ATMIS ayaa kulan fogaan-arag ah (Zoom) la yeeshay Madaxweynaha Jubaland, H.H.E Ahmed Mohamed Islaam.
Kulankan Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyey halka ay marayso xaaladda doorashooyinka deegaannada Jubaland.
Beesha caalamka ayaa kulanka ka dib soo saaray War-saxaafadeed ay walaac kaga muujiyeen khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, kadib kulankii Golaha Wadatashiga Qaran.
“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada. Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa lagu boorrinayaa inay dib ugu laabato GWQ si wadahadal furan looga yeesho dhammaan arrimaha taagan, loona soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaanaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho’ ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Jubbaland ayaa sheegtay in Ciidamada ATMIS ay kaalin mug leh ka qaadanayaan sugidda ammaanka goobaha doorashada, “Taasi waxay muujinaysa in Madaxweyne Axmed uu beesha caalamka ku qanciyay in dastuurka Jubaland uu xaq siinayo shacabka reer Jubaland inay si madax-bannaan u maamulaan doorashooyinkooda” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubaland Mudane Sheekh Abdi Yuusuf Cali.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee Doorashooyinka Jubaland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.