Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo kordhay doorashada Jubbaland? (Sawirro)

Gudigga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo ay weheliyaan Guddiga Golaha Wakiilada u qaabilsan arrimaha doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada, iyo tan Madaxtooyada ayaa maanta diiwaangaliyay islamarkaana shahaadooyinka musharaxnimo gudoonsiiyay, Musharixiinta u tartamaysa xilka Gudoonka Golaha Wakiilada Jubaland.

Musharaxiinta oo gaaraya dhowr iyo musharax ayaa ku tartami doona doorashada gudoomiyaha iyo ku-xigeenada golaha wakiilada Jubbaland.

Maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 21-ka Novembar ayaa la filayaa in musharaxiintu ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo, iyadoo isla beri la filayo in la qabto doorashada golaha wakiilada Jubbaland.

Shalay ayey aheyd markii Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Jubbaland uu dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamanka maamulkaas oo tiradoodu gaareyso 75 xubnood kuwaasoo ay soo xuleen odayaasha beelaha.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto 25ka bishan Novembar taasoo sida iska cad mar kale uu ku soo bixi doono Axmed Madoobe oo maamulkaas majaraha u hayey 14kii sano ee la soo dhaafay.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ka dhaceysa Kismaayo ayaa loo arkaa mid uu isku mar kale isku caleemo saarayo Axmed Madoobe.

DF ayaa qaadacday doorashadaas iyadoo sheegtay ineysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda ka dib markii ay iyada iyo hogaanka Jubbaland isku khilaafeen hanaanka doorasho ee dalku wajahayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Shaki soo wajahay Madaxda dowlad goboleedyada ka dib hadalkii Farmaajo & Warar kale …

admin

Daawo Sawirada: Madaxweyne Dani oo booqday Dekadda weyn ee Tadjoura

Cabdi Cade

Mohamed Salah Oo ku guuleestay Abaal Marinta Xidiga Sanadka ugu fiican Horyaalka Premier League

Cabdi Cade