Markabka TCG Ütğm ee dowladda Turkey ayaa ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, si uu ugu biiro howlgalka taageerada sahaminta Shidaalka Soomaaliya ee uu wado Markabka Oruç Reis ee ku sugan xeebaha Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.
Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in madaxda safaaradu ay booqdeen Markabka TCG Ütğm oo ku soo xirtay dekadda Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Waxaan booqanay markab TCG Ütğm. Arif Ekmekçi oo ku xirnaa Dekedda Muqdisho, taasoo qayb ka ah hawsha uu ku caawinayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel ee baaritaanka kheyraadka shidaalka ka wada xeebaha Soomaaliya. Waxaan u rajeyneynaa guul hawshan iyo dhammaan hawlaha mustaqbalka. .”ayaa lagu yiri warka lagu daabacay barta facebook ee safaarada Turkeyga ee Muqdisho.
Ma jirin faahfaafin dheeraada oo laga bixiyey markabkan iyo meelaha uu tagayo.
Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.
Dowladda Turkey ayaa dadaal xoog leh bixinaysa in kor loo qaado wax soo saarka shidaalka waxa ayna Soomaaliya u soo dirtay maraakiibta cilbaarista loo adeegsado iyo kuwa dagaalka.