Allbanaadir.com
NEWS

Dunida oo qarka u saaran dagaal Saddexaad iyo NATO oo..

Dib u eegista uu Putin ku sameeyay siyaasadda Nukliyeerka ee Ruushka ayaa waxaa si degdeg ah u cambaareeyay Washington, Brussels iyo London oo ku tilmaamay “mas’uuliyad darro, waxaana Biden uu sheegay in tallaabadan ay tahay in NATO ay darasto.

Tallaabada uu qaaday Ruushka waa in ay ka fakaraan mas’uuliyiinta NATO sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu Talaadadii ku qabtay magaalada Rio.

“Ruushka waxa uu leeyahay awood iyo tallaabooyin uu isku difaaco, si la mid ah, sida wadamada NATO, waa in aan qaadnaa tallaabooyin aan ku ilaalineyno nafteena,” ayuu yiri Biden.

Safaaradda Mareykanka ee Ukraine ayaa baahisay  inay heleen calaamado muujinaya inuu Ruushka waqti dhow weerar ballaaran ku qaadayo Ukraine.

Ukraine ayaa gantaallada Mareykanka markii u horreysay ku weerartay dhulka Ruushka maalintii shalay.

Ukraine, ayaa 6 gantaal oo ah ATACMS, ku weerartay saldhig iyo bakhaar hub oo ay leeyihiin ciidanka Ruushka.

Ukriane, waxay ballanqaaday inay sii wadi doonto adeegsiga gantaaladan si ay ugu burburiso saldhigyada Ruushka.

Telefishinka dawladda Ruushka ee RT, ayaa laga sii daayay muuqaallada nidaamyada guur guura ee difaaca nukliyeerka oo la dhigay inta badan magaalooyinka waa weyn ee Ruushka nidaamkan oo  loogu talagalay inay dadweynaha ka ilaaliyaan khataraha kala duwan oo ay ku jiraan shucaaca iftiinka ee qaraxyada nukliyeerka.

Tallaabadan waxay ku soo aaday saacado kaddib, markii maanta madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ansixiyay wax ka beddelka siyaasadda adeegsiga hubka nukliyeerka oo la fududeeyay, mar kasta oo khatar weerarro xoogan uu Ruushka dareemo, waxaa u furan ciidanka Ruushka inay adeegsan karaan hubka nukliyeerka.

Waxan oo dhan waxay u muuqdaan in looga jawaabayo go’aanka ay dalalka reer galbeedka ugu oggolaadeen inay Ukraine adeegsato gantaallada riddada dheer, iyadoo go’aanka uu mar kale xiisadda labada dhinac sare u qaaday

Related posts

Kenya oo Qoraal Xasaasi ah kasoo saartay Doorashada Jubbaland (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlada oo ka hadashay Duqeyn lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xarakada Islaax oo Baaq kasoo saartay Khilaaf ka dhax taagan Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade