Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo Biden ku eedeeyey inuu sameeyey khalad weyn

Ogolaanshaha Washington ee ah in Ukraine ay gantaallada Mareykanka u adeegsato bartilmaameedyo militari oo gudaha Ruushka ku yaalla waa “khalad weyn” oo dunida u jiidi kara “dagaal weyn”, waxaa sidaas Arbacada maanta ah yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan.

Tallaabada Kyiv loogu ogolaaday inay isticmaasho gantaallada riddada dheer ee ATACMS ayaa ka dhiggan isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Maraykanka, taasi oo dhalisay jawaab caro leh oo ka timid Moscow.

Moscow ayaa Talaadadii ballaarisay baaxadda marka ay isticmaali karto hubka nukliyeerka, taasi oo ah digniin cad oo ku wajahan Ukraine iyo Reer Galbeedka.

“Tallaabadan uu qaaday (Madaxweynaha Mareykanka Joe) Biden kaliya ma sii kordhin doonto colaadda, laakiin waxay horseedi doontaa falcelin weyn oo ka timaada Ruushka… waxayna gobolka iyo caalamka qarka u saari kartaa dagaal weyn,” ayuu madaxweynaha Turkiga u sheegay saxafiyiinta ka hor inta aanu raacin diyaaraddii uu kaga soo laabatay shirkii G20 ee Rio.

Go’aanka Mareykanka “waxaa loo fasiran karaa inuu yahay tallaabo lagu hurinayo dagaalka, si loo hubiyo inuusan waligiis dhammaanin oo xitaa sii fido,” ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in wareegtada Talaadadii uu saxiixay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u ogolaaneyso Moscow inay bixiso jawaab Nukliyeer, haddii lagu soo qaado weerar cirka ah oo baaxad leh, xitaa haddii kaliya loo isticmaalo hub caadi ah.

“Khaladka ugu yar ee lagu sameeyey khaladkan weyn… wuxuu la mid noqon doonaa sida budo lagu shubay dab, marka waxaan kula talinayaa qof walba inuu taxaddaro,” ayuu yiri.

Turkey oo xiriir saaxiibtinimo la leh labadan dal ee jaarka kala ah ee Badda Madow, ayaa Ukraine siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay ka fogaatay inay dhaqan-geliso cunaqabataynta reer galbeedka ee Moscow.

Related posts

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi oo go’aamiyay in la jadwaleeyo sharciyada Golaha horyaala

Cabdi Cade

Habraaca Doorashada Aqalka Hoose iyo Xulista Ergooyinka oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade