Allbanaadir.com
NEWS

Maqaamka iyo matelaada Muqdisho oo la raadinayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka iyo Matalaada Muqdisho iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah.

Madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Madaxda Maamullada Degmooyinka, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada, Dadka baahiyaha gaarka qaba iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxa ay socon doonntaa mudo labo maalmood, iyadoona looga hadlayo rabitaanka shacabka ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidii loo heli lahaa Maqaamka iyo Matalaada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bulshada usoo jeediyay Bandhigyo ku aadan 3-da doorasho ee xulashada Maqaamka Muqdisho iyo hanaanka hindise sharciyeedka xeerka doorashooyinka dalka ee horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sida ay talooyin ugu biirin karaan shacabka Gobolka Banaadir.

Maalinta barito ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo Madashaan isla markaana lasoo bandhigo talooyinka Bulshada Caasimadda ee ku aadan xeerka doorashooyinka iyo hanaanka xulashada Maqaamka Muqdisho.

Related posts

Dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Qoraal muujinaya in Golaha Shacabka Mudo kordhin sameesanayaan oo Xildhibaanada loo qeybiyay (Akhriso)

Cabdi Cade

(Akhriso) NISA oo baaritaan cusub ku sameysaneysa shaqaalaha heyadaha DF

Caydiid Ali