Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka dowladda Denmark oo raaligelin ugu tagay Wasiir Axmed Fiqi (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi , ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Denmark u fadhiya dalkeenna Danjire  Steen Sonne Andersen, waxa ayna kawada hadleen arrimo muhiim ah.

Kulanka ay yeesheen Wasiir Axmed Fiqi iyo Safiirka Denmark ayaa diiradda lagu saaray sidii loo cadeyn lahaa hadalladii dhawaan ka soo yeeray Somaliland ee ku saabsanaa doorashooyinka Somaliland iyo tabashada shacabka ee ka dambeysay.

Danjire Andersen, ayaa raali gelin ka bixiyay hadalkii uu jeediyay, waxa uuna xaqiijiyey in Denmark ay si joogto ah u ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaanu hoosta ka xariiqay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya oo aan la kala qaybin karin.

Danmark iyo Soomaaliya ayaa weli ah saaxiibo ay ka go’an tahay, iyagoo si dhow uga wada shaqeynaya arrimaha mudnaanta la wadaago, oo ay ku jiraan dowlad-dhisidda, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nabadda iyo amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay hadalkii uu dhawaan magaalada Hargeysa ka jeediyay safiirka dowladda Denmark u jooga Soomaaliya, kaa oo Somaliland ku tilmaamay dal madaxbannaan, waxa ayna taasi dhalisay in safiirka iyo dowladiisa laga dalbado in hadalkaasi jawaab ka bixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo xiray nin ku kacay fal dad badan ka careesiiyay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo amaanay talaabo ay qaadeen shacabka Gaalkacyo

Caydiid Ali