Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay Xeer muhiim u ah doorasho qof iyo cod ah

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta xarunta golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah, ayaa ansixiyay xeerka ururrada iyo xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanta maanta yeesheen xildhibaanada labada Aqal , waxaa soo xaadiray oo fadhiyay 177 xildhibaan, waxaana xeerkan ansixiyay oo oggolaaday 177 xildhibaan, waxaa ka aamusay hal xildhibaan oo kaliya, mana jirin wax xildhibaan ah oo diiday.

Guddoonka kulanka ayaana shaaciyay in maanta ansax yahay xeerkan ururada iyo xisbiyadda dalka maadaama la ansixiyay, waxa uuna guddoonka sheegay in ansixintan maanta tahay tallaabo horey loogu qaaday hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo fasaxooda muddo bil ah dib u dhigay ayaa ka shaqeenaya ansixinta xeerarka doorashooyinka iyo mida xisbiyada, waxa ayna xildhibaannada sida muuqata doonayaan muddo kororsi maadaama aysan muuqan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh, oo xeerkan horgeeyay xildhibaannada labada Aqal,  ayaa luga mahadceliyey ansixinta sharciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ayaa kasoo horjeeda taallaabooyinka Baarlamaanka qaadayo, taa oo waddada u xaareysa muddo kororsi sharcidarro ah, maadaama ay rabaan qabashada doorasho qof iyo cod ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiir Tamim Bin Hamad oo Saxiixay Labo Heshiis ay horey u gaareen Somalia iyo Qadar

Cabdi Cade

Ciidamo gurmad ah oo gaaray Magaalada Boosaaso iyo Khasaaraha dagaalkii maanta

Caydiid Ali

Jadwalka Hadal jeedinta Musharaxiinta Guddoonka Gollaha shacabka oo lasoo saaray

Cabdi Cade