Imaaraadka Carabta inuu yahay dalka taageerraya kooxda ka dagaallamaysa gudaha Suudaan ee RSF , waa arrin jirtay tan iyo markii dagaalka labada janaraal uu ka bilowday Suudaan, balse hadda xilli waqti adag ay wajahayaan RSF , waxaa soo baxaya inuu burbur ku dhow yahay xiriirka Imaaraadka iyo RSF oo Abu Dhabi ayaa ku hanjabaysa inay joojinayso taageerrada.
Imaaraadka Carabta , wuxuu u muuqda inuusan dooneyn guul-darrada inay dhinaciisa jirto, kaddib markii dagaallo badan lagu jabiyay RSF oo ay ku dhowyihiin koox la go’doomiyay, hadda Abu Dhabi ayaa lagu warramaya inay u sheegtay RSF, haddii aysan qabsan magaalada El Fasher ee waqooyiga Darfur ka hor dhammaadka bishan November , waxaa la joojin doona taageerrada Abu Dhabi— dhammaan weerarrada ay qaadeen RSF way ku guul-darraysteen inay kala wareegaan militariga Suudaan gacan ku heynta magaaladan istiraatijiga u ah gobolka Darfur, sida ay sheegtay shabakadda Sudan Tribune oo xiganaysa ilo ka tirsan madaxtooyadda dalka Chad ee dariska la ah Suudaan.
Chad, waxaa lagu sheegaa marinka hubka iyo taageerrada kale ee Imaaraadka uu siiyo kooxda RSF.
Warbixintu waxay sheegtay markii ay u muuqatay RSF inaysan awoodin si dhaqso ah ama waqtiga loo qabtay inay kula wareegaan magaalada El Fasher, inay hadda billaabeen inay dahab ugu beddelaan Imaaraadka hubka ay ka helayaan , iyadoo dahabkan laga qodayo aagga Singo ee koonfurta gobolka Darfur.
Shabakadda kale ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay Faransiiska , inta badana ka hasha arrimaha sirdoonka ayaa dhankeeda ku warrantay in mar horaba uu Imaaraadka billaabay inuu hoos u dhigo taageerrada uu siinayay kooxda RSF, taa oo haddii ay dhacdo inay Abu Dhabi wada jarto ka hor dhammaadka sannadkan , ka dhigi karta kooxda RSF , kuwa aan awoodin inay la dagaallamaan ciidanka militariga Suudaan oo hadda taageerro badan ka helaya shacabka Suudaan, kaddib hab dhaqan xun, gabood-fallo, kufsi, dilal iyo xarig caqiib ah oo bulshada Suudaan ay kala kulmeen kooxda RSF.
Dawladda Imaaraadka Carabta , waligeed ma oggolaan inay taageerto RSF, mar kastana waxay Abu Dhabi beeninaysay inay taageerro hub iyo dhaqaalo siiso RSF.
W/T Iman Jamac