Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay golaha cusub ee Wakiillada maamulka Jubbaland ee shalay looga dhawaaqay laguna dhaariyay magaalada Kismaayo.
Kheyre ayaana ugu baaqay golaha cusub ee Wakiillada maamulka Jubbaland in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan ilaalinta danta guud iyo wadajirka bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland.
‘’Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Jubaland ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shuruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Jubbaland’’ ayuu yiri Kheyre.
Xasan Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland yahay tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo hubanti la’aan ku jiray. Waxa uuna ugu baaqay madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbanneeyay dowlad-goboleedyada.