Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo Gaza ku leysay 20 Falastiiniyiin ah (Sababta)

Xoogaga Xamaas ee ku sugan magaalada Gaza ayaa sheegay iney dileen 20 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza ka dib markii lagu eedeeyey burcadnimo hubeysan.

Raggan ayaa lagu dilay howlgal ay sameeyeen xoogaga Xamaas ka dib markii ay leexsadeen gaadiid siday gargaar ku socday shacabka ku go’doonsan Gaza ee ay gumaadka iyo xasuuqa ku hayaan ciidamada Yuhuuda.

Kolonyo ay la socdeen 109 baabuur oo gargaar cunno ah siday ayaa si xun loogu dhacay Sabtidii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA.

Sagaashan iyo toddobo ka mid ah baabuurta xamuulka ahaa ayaa la waayay, darawaladoodiina waxaa lagu qasbay inay dejiyaan gargaarkii ay wadeen, kaddib markii ay adeegsadeen marinka Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho oo ku taalla koonfurta Qasa, taasoo la rumeysan yahay inay ay ka dhacaan shilalka ugu xun ee la xiriira dhac iyo is hortaagga lagu sameeyo gargaarka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kolonyada ay weerar ku soo qaadeen rag wajiyada soo duubtay oo tuurayay bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

QM ayaa sheegtay Haddii aan dhibaatooyinka caqabadaha ku ah gargaarka aan wax laga qaban welwel laga muujinayo in malaayiinta qof ee halkaas ku dhibaataysan ay xaaladoodu ka sii dari karto.

Related posts

Ciidanka Badda DF & kuwa EU oo dhoolatus sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska Booliiska Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan lagu xiray Hargeysa

Cabdi Cade

Zelensky oo maanta tagaya xarunta Maxkamadda ICC iyo Duqeyn ka dhacday Kyiv

Cabdi Cade