Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo Ruushka ku weerartay Gantaaladii loo fasaxay

Ukraine ayaa gantaallada Mareykanka markii u horreysay ku weerartay dhulka Ruushka .

Ukraine, ayaa 6 gantaal oo ah ATACMS, ku weerartay saldhig iyo bakhaar hub oo ay leeyihiin ciidanka Ruushka.

Ruushka, ayaa si dhaqso ah u xaqiijyey weerarkan.

Ukriane, waxay ballanqaaday inay sii wadi doonto adeegsiga gantaaladan si ay ugu burburiso saldhigyada Ruushka.

Weerarkan wuxuu ku soo aaday saacado ka dib markii uu saxiixay Putin, wax ka beddelka siyaasadda nukliyeerka, isla maantana Ukriane waxay jabisay siyaasaddaas, waxayna bixisay shuruud uu Ruushka u adeegsan karo nukliyerka.

Putin, ayaa horey u ballanqaaday inuu ka jawaabi doono nooc kasta oo weerar gantaaladan ah, sidoo kalena dalalka bixiyay gantaallada ku dhaca dhulka Ruushka inay u aqoonsanayaan bartilmaameedyo sharci ah.

Telefishinka dawladda Ruushka ee RT, ayaa laga sii daayay muuqaallada nidaamyada guur guura ee difaaca nukliyeerka oo la dhigay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Ruushka, iyadoo nidaamkan loogu talagalay inay dadweynaha ka ilaaliyaan khataraha kala duwan oo ay ku jiraan shucaaca iftiinka ee qaraxyada nukliyeerka.

Tallaabadan waxay ku soo aaday saacado kaddib, markii maanta madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ansixiyay wax ka beddelka siyaasadda adeegsiga hubka nukliyeerka oo la fududeeyay, mar kasta oo khatar weerarro xoogan uu Ruushka dareemo, waxaa u furan ciidanka Ruushka inay adeegsan karaan hubka nukliyeerka.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal

Cabdi Cade

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka wada togga Miiraale (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaafka Cumar Finish & Caanaboore oo meel xun gaaray (Maxay isku hayaan)

admin
Taboola Ads ---