Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka cusub ee maamulka Soomaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Mudane Maxamed Aw-cali Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dadwaynaha ee ka qabsoontay Soomaaliland.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo dhammaan shacabka Soomaliland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah.
“Waxaan bogaadinayaa biseel siyaasadeed, ilbaxnimada iyo dimoqraadiyadda ay muujiyeen bulshada ku dhaqan Soomaaliland oo si nabad ah codkooda ku doortay madaxdii xukumi lahayd, arrintaas waxay tusaale wanaagsan iyo ku dayasho u tahay deegaannada kale ee Soomaaliyeed inay iska kaashadaan nabadda dimuqraadiyadda iyo in shacabku ay codkooda ku doortaan madaxdii xukumi lahayd”.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u rajeeyay shacabka iyo madaxda la doortay ee Soomaaliland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada ku dhaqan maamulka Soomaaliland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland iyo Ku xigeenkiisa inay mira-dhaliyaan gudashada Waajibaadka loo doortay.