Qaban-qaabo xooggan iyo diyaar garow weyn ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland kaasoo lagu soo dhoweynayo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo halkaas ku wajahan maalmaha soo socda.
Amaanka magaalada Garoowe ayaa la xoojinayaa iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyey magaalada, waxaana socda abaabul la xiriira soo dhoweyntan wafdigan oo ay wadaan madaxda iyo goleyaasha maamulka Puntland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu tago Garoowe waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlad goboleedka Puntland, isagoo boogan xarumaha dhinaca maamulka iyo xeryaha ciidamada ee degaanadaas ku yaalla.
Wararka qaar ayaa sheegaya sheegaya in Farmaajo iyo wafdigiisa marka ay ka soo laabtaan Garoowe ay booqasho ku soo mari doonaan Magaalada Cadaado oo xarunta kmg ah ee maamulka Galmudug.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada garoowe ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu halkaas ku tago tan iyo markii sanad ka hor loo doortay xilka ugu sareeya Qaranka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com