Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War ka soo saaray doorashada C/raxmaan Cirro

Mareykanka oo War ka soo saaray natiijadii ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen saaka ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey doorashadaas.

Qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Dhanka kale, waxay boogaadiyeen doorashooyinka iyo xil wareejinta u dhaca sida nabadda ah iyaga oo qoraalkooda ku xusay inay taasi tusaale u tahay gobolka.

Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo saakay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.

Sida guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen waxaa sidoo kale soo baxay Waddani, Kulmiye iyo Kaah oo noqon doona Xisbiyada Somaliland

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Nicolas Nihon (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe: “Labo ujeedo ayey argagaxisadu u soo weerartay degaanka”

Caydiid Ali

Muxuu Raisul Wasaare Rooble kala hadlay ururada bulshada rayidka? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---