Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan fogaan arag ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada Jubaland, Xaalada guud ee Siyaasada dalka iyo kulamadii u danbeeyay ee shirka madasha wadatashiga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Danjirayaashaa Maryanka, ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Jarmalka, Midowga Yurub, sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo ATMIS.

Doorashada uu qabsanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , waxaa si weyn uga soo horjeeda oo sharcidarro ku tilmaantay dowladda Soomaaliya , lamana oga kulankan Axmed Madoobe la qaatay beesha caalamka waxa uu ka beddelayo khilaafka kala dhaxeeya DFS.

Related posts

Guri kuyaalla degmada Jilib oo gantaalo lagu dhuftay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu RW Rooble ku soo arkay xerada Ciidamada Danab ee Bali doogle?

Caydiid Ali

DF oo shaacisay liiska xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada Doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---