Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada Jubbaland oo kulan la qaatay saraakiil katirsan ATMIS (Sawirro)

Guddiga Madaxabnnaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka maamulka Jubaland , ayaa maanta qaabilay saraakiil ka socday ciidamada booliiska ATMIS , kuwaa ay kala hadlayeen arrimo muhiim ah.

Taliyaha isku-dubaridka ciidanka booliiska ATMIS ee Jubada Hoose, SSP Elepot Eriya , ayaa hoggaaminayay saraakiisha ATMIS, waxa ayna kulan ay la qaateen guddiga diiradda lagu saaray amniga goobta ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo tan Madaxweynaha Jubaland.

Saraakiisha ATMIS ee kulanka ka qeyb galay waxaa wehliyay Taliyaha Booliiska Qeybta Gobolka Jubada Hoose, Gaashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor. Waxa ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay ayaa ahaa sidii ciidamada booliiska Jubaland iyo kuwa ATMIS uga wada shaqeyn lahaayeen sugidda amniga doorashada, si loo xaqiijiyo jawi nabdoon oo lagu qabto hawlaha muhiimka ah ee doorashada.

Magaalada Kismaayo waxaa ka socota qaban qaabada doorashada guddoonka golaha Wakiillada Jubbanland iyo tan Madaxweynaha, waxaa sidoo kale socota soo xulista xildhibaannada cusub ee Jubbaland.

Related posts

Al Shabaab oo heshay Dareeskii ugu Dambeeyay ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo aqbalay inuu ka jawaabo arrin uu horey u diidanaa in la su’aalo

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo Weji Cusub yeeshay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---