Dowladda Ruushka ayaa waxaa lasoo darsay walaac xooggan oo ay ka qabto in lagu soo weeraro gantaalaha riddada dheer ee dowladda Mareykanka iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah ugu deeqeen ciidamada milatariga dowladda Ukraine.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa oggolaaday in gantaallada riddada dheer ay siiyeen UkraineĀ loo adeegsado bartilmaameedyada Ruushka, taasoo wax ka baddal weyn ku sameyneysa siyaasadda MareykankaĀ laba bilood ka hor inta uusan ka bixin Aqalka Cad.
Dowladda Ruushka ayaa war kasoo baxay lagu sheegay haddii ciidamada milatariga Ukraine adeegsadaan ganataaladda riddada dheer ee dowladda Mareykanka siiyay ay bixin doonaan jawab adag oo ku habboon lana taaban karo.
”Weerarka noocan oo kale ah oo ka dhaca gudaha dhulka Ruushka ,wuxuu u taagan yahay ku lug lahaanshaha tooska ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Ruushka”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.
Milatariga Ukraine ayaa muddo kaddib loo fasaxay in ay adeegsan karaan gantaallada riddada dheer ay ugu deeqeen dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxa ayna adeegsiga gantaaladan halis ku tahay dowladda Ruushka oo khasaaro badan kasoo gaari karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com