Allbanaadir.com
NEWS

Guddigii DFS u xil saartay xeerarka doorashooyinka oo shaqo bilaabay

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururada Bulshada rayidka,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen xubnaha kale ee Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la horgeeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Guddigan xildhibaannada labada Aqal u xil saareen diyaarinta xeerarka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka , ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan dad kale oo muhiim ah , si ay talooyin wax ku ool ah uga qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyey go’aan shaki badan ku abuuraya Soomaalida

Caydiid Ali

Xagee ku sugan yahay Madaxweyne Deni oo 40 cisho ka maqan Puntland?

Caydiid Ali

Calan muran iyo shaki badan abuuray oo lagu ag arkay Maxamed Al-Bashiir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---