Xisbullah ayaa gantaallo ku dhufatay bartamaha magaalada Telaabiib, halkaa oo la aaminsanyahay inay tobannaan ruux ay wax yeelo ka soo gaartay, iyagoo goobta uu gantaalku ku dhacay ay tahay aagga ganacsi ee ugu muhiimsan Telaabiib.
Telefishinnada Israa’iil dhammaantood waxay ka hadlayaan oo ay soo bandhigayaan muuqaallada gantaallada ku dhacay bartamaha magaalada Telaviv
Gantaalka lagu dhuftay ayaa sababay dab ka kacay bartamaha Tel Aviv, sida uu sheegay taliyaha booliiska Yuhuuda
Sida laga soo xigtay militariga Israel, gantaalka ayaa ku soo dhacay dhulka aagga Ramat Gan ee Tel Aviv, kaasoo sababay dab weyn oo ka kacay dhismo.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Israa’iil ee Kan News ayaa ka soo xigatay taliyaha boliska degmada isagoo leh, “Waa gantaal culus oo lagu dhuftay magaalada”
Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in Tel Aviv lagu bartilmaameedsaday dhowr gantaal oo casri ah, taasoo keentay burbur xooggan iyo koronto la’aan soo wajahday qeybo ka mid ah magaalada
Waxaa la sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo qof. Khasaaraha ugu dambeeya weli lama shaacin.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in gantaalka laga soo tuuray Lubnaan oo ku dhacay Tel Aviv uu ahaa gantaalka Fateh 110.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta ayaa daad gureynaya dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, iyadoo qolyaha dab demiska ay ka shaqeynayaan deminta dabka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA