Allbanaadir.com
NEWS

DF oo saxiixday heshiis faa’iido u leh shacabka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & Madaxa Hay’adda UNOPS Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan Maaraynta daadka iyo Naqshadaynta Biyo-mareennada magaalada Baydhabo.

Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa daraasadaha maaraynta daadka iyo Naqshadaynta biyo-mareennada magaalada Baydhabo, kaasoo ka qayb qaadanayo yareynta qataraha fatahadaha roobka iyo daadka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta mashruuca NAGAAD ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi waxa uu ku bogaadiyey qorshayaasha Maaraynta daadka iyo naqshadeynta biyo-mareennada.

Barnaamijkan oo socon doona muddo 15 bilood ah ayaa isugu jira qiimayn & qaabayn lagu samayn doona biyo-mareenno casri ah oo ay yeelan doonto magaalada Baydhabo.

Related posts

Qeyb Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Casilay Guddoomiye Gacal (Galmudug Imisa Xildhibaan ayey leedahay?!

admin

Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano badan oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka

Cabdi Cade

Sawirro: RW Khayre oo safarkii Washington soo gebagebeeyey (Maxaa u qabsoomay?)

Caydiid Ali