Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka sare?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee kalfadhiga shanaad oo ay soo xaadireen sideed iyo labaatan Sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ka koobanaa saddex ajande oo kala ahaa:

1- Akhrinta kowaad ee Hindise sharciyeedka tacliinta Sare,

2- Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha soomaaliyeed.

3- Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faah faahiyay hindise sharciyeedka tacliinta Sare iyo muhiimaddiisa, isagoo xusay in sharcigaani haddii uu dhaqan galo oo ay labada gole ka gutaan waajibaadkooda uu meesha ka saari doono waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa bahda waxbarashada Soomaaliyeed.

Intaas ka dib Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa dhankeeda Sanatarrada la wadaagtay akhrinta labaad ee sharciyada hay’adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaannada Beeraha iyo sharciga xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed oo ay ka soo guteen waajibaadkoodii shaqo, isagoo uu goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XGFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxayna intaas kadib Sanatarradu gudagaleen doodda aragtiyada ay ka qabaan labadaas sharci oo muhiim u ah dadwaynaha iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna soo bandhigeen tallooyin, tusaalooyin iyo soo jeedino kala duwan oo ku saabsan qaabaynta labadaas sharci.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa ku booriyay Sanatarrada Aqalka Sare doodda iyo aragtida wax ku oolka ah oo ay soo bandhigeen, wuxuuna faray xubnaha Guddiga Khayraadka in ay soo qaabeyaan aragtida Sanatarradu ay dhiibteen ayna soo diyaariyaan akhrinta saddexaad ee labadaas sharci, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Related posts

Maxaa ka jira in Ciidamada PSF ee Puntland ay duulaan ku yihiin ciidanka Somaliland?

Caydiid Ali

(Sawirro) Cumar Filish oo kormeeray Mid ka mid ah jidadka Muqdisho oo ay ka socotay..

Caydiid Ali

Waa sidee Xaalada degmada Wanle-weyn oo shalay dagaalo ay ka dhaceen?

Caydiid Ali