Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xilka ku wareejiyay Jeneraal Odawaa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay kooxda Al Shabaab haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd.

Waxa uu intaa ku daray  in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo AL Shabaab iyo kooxaha nabadda diiddan, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Mudan Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin bisad sidii alaab oo kale ku diray boosto oo ganaax adag lagu riday

Cabdi Cade

Dibed baxyo rabshado oo ka socda qeybo ka mid ah Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Marwada 1-aad ee dalka oo ka qeyb gashay Shir ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---