Dowladda Ukraine, ayaa ka codsaday qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka uu hormuud u yahay Mareykanka in ay u fasaxaan adeegsiga dagaalka ay ciidamada Ruushka kula jiraan gantaalada riddada dheer oo ay horey ugu deeqeen.
Madaxweynaha xafiiska banneenaya ee dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa dowladda Ukraine u fasaxay in ay dagaalka ay kula jiraan milatariga Ruushka u adeegsan karaan gantaallada riddada dheer ee Mareykanka horey deeq ahaanta u siiyeen.
Sidoo kale dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa iyana wararku sheegayaan in dowladda Ukraine u fasaxeen in dagaalka ay ku jiraan u adeegsan karaan gantaallada riddada dheer ee labadan dal ay soo saareen ee lagu kala magacaabo SCALP iyo Storm Hadh .
Dowladda Ruushka ayaana ka walaacsan in ciidamada Ukraine ay adeegsadaan gantaalada riddada dheer ay ugu deeqeen dowladaha reer Galbeed, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka ka socda Ukraine uu waji kale yeesho haddii ay gantaalada riddada dheer adeegsadaan ciidamada Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa horey u sheegay haddii ay Ukraine adeegsato gantaalladan in Ruushku uu aqoonsan doono in gaashaanbuurta NATO ay si rasmi ah uga noqotay qayb dagaalka ay kula jiraan dowladda Ukraine.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com