Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland oo War cusub soo saaray

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay , ayaa shaaciyay in lasoo gaba gabeeyay isku geynta tirinta codadka ee gobollada Somaliland, iyada oo la filayo in maalmaha iyo saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada doorashada.

Tirinta codadkii doorashooyinkii isu sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururada siyaasadda, ayaa hadda ka soo gudbay heer goboleed iyo heer degmo, iyadoo wixii hadda ka dambeeya loo gudbayo heer gobol iyo heer guud oo ah qaybihii ugu dambeyay .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf , ayaa sheegay in ay ku rejo weyn yihiin in qeybaha haray codadkii la dhiibtay waqti dhaw lasoo gabagabeeyo, waxa uuna xusay in ay wali heestaan guddiga waqtigii ay xaqa u lahaayeen marka ay timaado ku dhawaaqista natiijada doorashada.

Guddiga doorashada Somaliland ayaana la filayaa in natiijada doorashada ku dhawaaqaan waxii ka dambeeya marka la aaso Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo maanta la aasayo, waxa ayna guddiga dadka ugu baaqeen in ay ka war sugaan natiijada.

Doorashada Madaxtooyada iyo tan ururada siyaasadda Somaliland , ayaa natiijadeeda si weyn dadka Somaliland u wada sugayaan, waxaana aad loo saadaalinayaa in doorashada uu kusoo bixi doono guddoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Shir u soo gebageboobay Wasaaraddaha Caddaalada DF & dowlad goboleedyada (Sawirro)

admin

Puntland oo dalkooda ku celisay 50 qof oo Muhaajiriin ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---