Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Saalax Maxamuud Cali oo saakay la dilay iyo ragii dilay oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay mid kamid ah nabadoonnada guurtida ee magaaalada.

Marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa nabadoonnada sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo siday xaqiijiyeen qoyskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Ceyrigaabo ayaa wada howlgallo baaritaano ah oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilka loo geestay nabadoon Saalax Maxamuud.

Related posts

Muuse Biixi oo tukashada Salaadii Ciida ka dib baaq u diray Shacabka Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Boqortooyada Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxiin qaylo dhaan soo saaray & booqashada Aaden Barre ee Kismaayo oo..

admin
Taboola Ads ---