Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo tallaabo ka qaadaya Saraakiil ceeb weyn usoo jiiday Mareykanka

Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump , ayaa ka fekaraya nuuca tallaabo ee laga qaadi karo saraakiishii iyo dadkii kale ee ka dambeysay in ciidamada Mareykanka isaga soo baxaan dalka Afganistan.

Kooxda kala guurka ee maamulka Trump ayaa la sheegay inay billaabeen inay aruuriyaan liiska saraakiisha sarsare oo hadda xilal haya iyo kuwii hore ee Maraykanka ee sida tooska ah ugu lug lahaa habkii ay dhacday ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afgaanistaan.

Trump kooxdiisa ayaa baaraya saraakiisha la tuhmayo si maxkamad ciidan la soo taagi karo , si loo oggaado haddii ay ku kaceen khiyaano qaran, sababtoo ah kooxda Trump ayaa u aragta ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afgaanistaan inuu ahaa shirqool lagu ceebeystay Mareykanka oo muddo 20 sanno aan ku gaarin ujeedooyinkii ay u galeen Afgaaniistan oo ugu dambeyn ay la wareegeen ururka Taalibaan, sida ay ku warrantay shabakadda NBC News.

Ciidanka Marekanka ayaa isaga baxay dalka Afgaanistaan sannadkii 2021 , waxaan loo diiwaangeliyay ka bixitaankooda mid ka mid ah guul-darrooyinkii iyo ceebtii ugu weynayd ee ay wajaheen ciidanka Mareykanka, waxaana Afganistan dib ula wareegay kooxdii Mareykanka dagaalka kula jiray ee Taalibaan.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa horey u dhaleeceeyay ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afgaanistaan, isagoo ku tilmaamay ” bahdilaad” iyo “maalintii ugu ceebta badnayd taariikhda Mareykanka.”

Related posts

Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu tusaale u yahay tayo xumadda hayadaha DF

Caydiid Ali

Daalibaan oo Shaacisay in kaalmo degdeg ah u dirayaan Dalalka Turkiga iyo Syria

Cabdi Cade

Soomaali ka mid noqotay dadkii lagu xasuuqay Masjidyada New Zealand (Magacyada)

Caydiid Ali