Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Israa’iil oo duqeyn naadir ah ku dilay Maxamed Cafiif Al Naabulsi

Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi.

Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah.

Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza.

Related posts

War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Cabdi Cade

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade

Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta

Cabdi Cade