Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Wasiir Fiqi

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo uu warbaahinta mariyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la xiriiray doorashadii ka dhacday Somaliland.

Fiqi ayaa ku eedeeyey safiirada qaarkood iney Somaliland ku tilmaameen dowlad madax banaan taasoo uu sheegay iney xad gudub ku tahay qaranimada iyo midnimada Somalia

Fiqi ayaa sheegay in qaar ka mid ah safiiradii goobjoogga ka ahaa doorashadaas ay la tiigsan doonaan sharciga lana xisaabtami doonaan.

Xamse Cali Jeesto wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa hadalka Wasiir fiqi ku tilmaamay mid muujinaya xaasidnimo iyo inuu ka xun yahay horumarka Somaliland.

“Xasadku waa xanuun ku dhaca qalbiga, waana naceyb iyo karaajiyo aad u qaado nimco uu ILAAHAY siiyey walaalka, xasadka Fiqi iyo dadka la midka ahna waxba na yeeli maayo hadaan reer Somaliland nahay laakiin wuxuu na tusay wuxuu yahay” ayuu yiri Wasiirka.

Xamse Cali Jeesto ayaa sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Wasiir fiqi uu ku hadlo waxyaabo noocaas ah, isagoo xusay in Fiqi uu dhibaato ku yahay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

 

“Safiiradan uu maagayo ee goob jooga ka ahaa doorasahada Somaliland waa kuwii dowladnimo u aqoonsaday isagoo xamar kaliya xukuma oo dalka intiisa kale aan gacan ugu jirin, waxaana nasiib daro ah inaad gacanta ka qaniinto ninkii ku biilayey oo masaariifta ku siinayey” ayuu yiri wasiirka

Related posts

Xarunta laanta socotada ee ciidanka Booliiska oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo ku adkeysatay Muddo kororsiga, una jawaabtay Beesha caalamka

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo danjire Max’ed Cabdi Afey? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---