Allbanaadir.com
NEWS

Manuel Marques oo loo soo magacaabay Somalia & Wasiir Fiqi oo..

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Related posts

Xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Xisbiyada iyo tan Madaxweynaha Somaliland oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xogta kulan Villa Somalia ku dhexmaray Xassan Shiikh & James Swan (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Khayre oo galabta la shaahay qaar ka mid ah shacabka Dhuusamareeb

Caydiid Ali