guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.
Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil kale ee Wasaaradda.
Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale Waxaa golaha hor yimid wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda, Marwo Ubax Cabdirashiid, Wasiir Ku-xigeenka Axmed Siciid Qaloonbi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ayaa ka hadlay waxqabadka iyo waajibaadka Wasaaradda
Ugu horayn, Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrisay warbixin ka hadlaysa Wasaaradda, shaqooyinka ay qabteen.
Intaa kadib,Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan sida ay uga jawaabtay xaaladaha masiibooyinka ee ka dhacay Puntland, sida fatahaadaha iyo abaaraha, Tallaabooyinka loo qaaday ka hortagga masiibooyinka iyo diyaarinta adeegyo degdeg ah oo wax-ku-ool ah.
Iskaashiga iyo Hufnaanta: Habka ay Wasaaraddu ula shaqeyso hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hufnaanta maamulidda miisaaniyadda.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Ubax Cabdirashiid, ayaa uga jawaabtay su’aalaha Golaha, iyadoo soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.
Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay qaybinta miisaaniyadda degmooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in loo sinnaado qaybsiga khayraadka isla markaana si degdeg ah loo gaaro deegaannada aan weli helin adeegyada asaasiga ah.
Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.
Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.
Golaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadeynta deegaannada ay colaaduha soo laa laabta sidii wax looga qaban lahaa.
Guddoomiyaha Golaha, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku adkeeyey Xukuumadda in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Dawladda iyo isla-xisaabtanka si loo xaqiijiyo adeegyo hufan oo bulshada Puntland ka haqab tira baahiyahooda. Wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiillada uu sii wadi doono dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha xukuumadda si loo gaaro maamulka wanaagsan iyo horumar waara.