Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay garoonka dayuuradaha degmada Buulo Burte

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ayaa ku dhintay qarax ka dhacay maanta degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Dhaawaca Askar kale oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxan ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla degmada Buulo Burde kuwaasoo isugu jira kuwa AMISOM iyo dowlada federaalka sida wararku sheegayaan.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Qaraxan uu ahaa miino lagu aasay agagaarka garoonka dayuuradaha degmada Buulo Burde, wuxuuna ahaa mid laga war helay oo la doonayey in halkaas laga saaro balse si lama filaan ah u qarxay.

Ciidamada Jabuuti ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan bilaabay howgalo lagu xaqiijinayo amaanka garoonka dayuuradaha Buulo Burde, waxayna xirxireen qaar ka mid ah askar ka tirsan dowlada federaalka oo qaabilsanaa amaanka garoonka, iyadoo lagu tuhmay iney wax ka ogaayeen.

Waa markii labaad ee uu qarax ka dhaco garoonka dayuuradaha Magaalada Burde, todobaadyo ka hor ayeyna aheyd markii qarax sidan oo kale oo halkaas ka dhacay uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Adeega Safar Taxi oo Muqdisho si rasmi ah loogu daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hormuud oo Maanta Haween dan yar lacag ugu qeybisay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo loo celiyay Diyaarad ay sameesteen oo loogu magacdaray Gabar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---