Ruushka oo Weerar Ballaaran Ku Qaaday Ukraine: Gantaallada iyo Diyaaradaha Drones-ka oo Bartilmaameedsaday Goobo Kala Duwan
Weerarka ugu dambeeyay ee Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa muujinaya weerar istiraatiiji ah oo isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones). Khariidadda weerarka ayaa muujineysa waddooyinka ay ku socdaan gantaallada iyo drones-ka oo si taxadar leh loogu hagayo magaalooyinka waaweyn sida Kyiv, Odessa, iyo Dnipro.
Qeybaha kala duwan ee hubka, sida gantaallada X-101 iyo X-55, ayaa loo adeegsaday weerarkan, iyadoo sidoo kale drones-ka lagu weeraray xarumo muhiim ah oo istiraatiiji ah. Ukraine waxay sheegtay inay badbaadisay qeyb ka mid ah bartilmaameedyada iyadoo adeegsanaysa nidaamkeeda difaaca cirka.
Kyiv, dadka deegaanka ayaa gabaad u doontay boosteejooyinka tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada iyadoo duqaymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacay caasimadda Ukraine ay sababeen koronto la’aan.
Koronto la’aan ayaa sidoo kale laga soo sheegay gobolka Dnipropetrovsk, halkaas oo lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha tareenada, saddexna lagu dhaawacay ka dib markii weeraro lagu qaaday xarumaha tareenada iyo dhabaha ay ku ordain intaba.
Duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa sidoo kale sababay in ay go’do korontadii gobolka bari ee Donetsk iyo gobolka galbeedka ee Lviv, waxaa la sheegay in haweeneey ay ku dhimatay gantaalihii la soo tuuray.
Koonfurta Ukraine gaar ahaan magaalada Mykolaiv, laba haween ah ayaa lagu dilay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo lix kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ay ku jiraan laba carruur ah. Magaalada dekedda leh ee Odesa ayaa sidoo kale la beegsaday duqaymaha.
Kaabayaasha muhiimka ah ayaa duqaymo lagu garaacay gobollada Vinnytsia iyo Volyn waxaana sidoo kale laga maqlay qaraxyo xoog leh magaalooyinka Kropyvnytskyi, Rivne, Ivano-Frankivsk, Cherkasy, Kryvyi Rih iyo Zaporizhzhia, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dagaalka ay kula jiraan Ruushka uu “dhakhso u dhammaan doono” marka ay howgasho xukuumadda Trump.