Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa Sabtidii si adag u beeniyay kulan la sheegay in uu dhex maray ergayga Qaramada Midoobay ee Iran iyo Elon Musk, bilyaneerka Mareykanka kaas oo ah la taliyaha ugu dhow ee madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Warbaahinta Mareykanka, oo ay ku jirto The New York Times , ayaa sheegtay todobaadkan in Musk iyo safiirka Iran ee Qaramada Midoobay Amir Saeid Iravani ay ku kulmeen New York wadahadal saacado qaatay maalintii Isniintii.
“Tani waxay ahayd sheeko been abuur ah oo ay sameeyeen warbaahinta Mareykanka, ujeeddooyinka ka dambeeyana waa la qiyaasi karaa,” ayuu Araqchi ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka dowladda, isagoo adeeyey beenin hore oo ay sameysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.
Wasiirka Iran waxa uu sheegay in “warbaahintu ka been-abuurtay baahinta sheekadan” ee ku saabsan shir ay tahay nooc lagu tijaabinayo biyaha si loo ogaado in loo gogol-xaari karo tallaabooyin kale.
“Waxaan wali ka sugeynaa maamulka cusub ee Mareykanka inuu caddeeyo siyaasadiisa, anagoo taas ka duulayna, waxaan hagaajin doonaa siyaasadeena, hadda lama joogo waqtigii shirarka noocaan oo kale ah, mana haboona,” ayuu yiri Araqchi.
Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin wax oggolaansho ah oo uu safiirku, hoggaanka ka helay in uu la kulmo maamulka Trump.